Wasaaradda Maaliyadda oo daahfurtay nidaamka casriga ah ee dalbashada Mushaarka dawladda(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay tababarka iyo daahfurka nidaamka casriga ee dalbashada Mushaarka Dawladda (Payroll Batch).

Tababarkan ayaa waxa ka faai’daysanayaan Agaasimayaasha Waaxyaha maamulka, Xisaabiyayaasha iyo hoggaanada lacagta ee ciidamada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntlqnd Mudane Faysal Cabdullaahi Warsame oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa sheegay in nidaamkani yahay habkii dalbashada mushaarka oo la casriyeeyey iyadoo hay’adaha Dawladu hadda kadib si toosa ay mushaarkooda ugu soo dalban doonaan nidaamka maaraynta macluumaadka Dawladda ee PFMIS.

Sidoo kale Xisaabiyaha Guud ee Dawlada Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Cabdisamad Cawad Cismaan ayaa iyaguna si aad u faahfaahiyey ahmiyada nidaamkan iyagoo hay’adaha Dawladda ka codsaday inay nidaamkan sida ay tahay uga faa’idaystaan.

Eng Axmed oo ah kooxda PFMIS ayaa isaguna sharaxaad ka bixiyey habka uu u shaqayn doono nidaamkan cusub, isagoona tilmaamay in lagu xiri doono xaadirinta shaqaalaha isla markaana marka laga yimaado nidaamka mushaaraadka lagu kala ogaan doono shaqaalaha shaqooyinka xaadira iyo kuwa ka maqan goobaha shaqada.

Xafiisaka Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dawladda Puntland