D45DDFEA-A294-4271-9AE7-65BD23017793.jpg

Wasaaradda Maaliyadda oo Tababar ku saabsan Cashuuraha u qabatay Ganacsatada gobolka Bari[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa tababar ku saabsan Cashuur bixiyaha u qabtay ganasatada gobolka Bari ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Daahfurka tababarka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland iyo mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland.

Tababarkan ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Maamulaha Cashuuraha Berriga,Agaasime ku/xigeenka Waaxdda C/Berriga Jamac Dheere iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka Rugta Ganacsiga Abdirisaaq Botaan (Awoowe).

Casharada ay qaadan doonaan Ganacsatadu ayaa qayb weyn ka noqon doona in si wayn loo fahamsiiyo ganacsatada habka ugu wanaagsan ee ay Cashuurta ku bixiyaan iyo faa’idooyinka Dawladnimada.

Mas’uuliyiinta Cashuuraha Berriga iyo Madaxda Rugta Ganacsatada ayaa halkaasi si wadajir  ah uga hadlay,waxana ay sheegeen in uu muhiimad u leeyahay ganacsatada tababarkan.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan dhanka dakhliga.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland