1P8A4305.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland Iyo Bangiga Boosaaso oo gubay maanta Boqolaal milyan oo Shilling Soomaali ah(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta ka dhawaajiyey iney ka Wasaarada ahaan ku dadaalayaan iney la dagaalamayaan lacagta faalsada ah ee lasoo gelinayo Puntland.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa hadalkiisan uu yimid kaddib markii maanta bannaanka Boosaaso lagu gubay lacag faalso ah taasoo lagu qabtay Kontaroolka Boosaaso,halka Bangiga iyo Wasaaradduna iska kaashadeen qabashada iyo gubista lacagtan.

“ Waad ku mahadsan tihiin inaad la dagaalantaan lacagta faalsada ah,anaga ka Wasaarad ahaan haddii Eebe raali ka noqdo diyaar waxaan u nahay inaan la dagaalano waxa faalsada ah oo wadanka lasoo gelinayo”ayuu yiri Mudane Carshe.

Waxa uu u mahadceliyey cid walba oo ka qeybqaadatay ha noqoto Ciidamada iyo Shaqaalaha Bangiga Boosaaso ee wax ka qabtay qabashada iyo kala gurka lacagtan faalsada ah.

Maamulaha Bangiga Boosaaso Muuse Aw Xuseen Ducaalle oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lacagta la gubay ay dhan tahay Sh.so 600,500,000(lix boqol oo milyan iyo shan boqol oo kun) Sh.so ah.

Muuse Aw Xuseen Ducaale ayaa sheegay in lacagtan ay uga timid Puntland dhanka gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayna tahay lacag faalso ah.

Goobtii lagu gubay lacagtan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe,Agaasimaha Guud ee maamulka Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Xisaabiyaha guud Cabdirsaaq Siciid Nuur,Maamulaha Bangiga Boosaaso Muuse AW Xuseen Ducaale ,Guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari Axmed Cali Cabdullaahi(Cirro) iyo xubno kale.

Hoos ka daawo Sawiradda

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com