5CFEECC5-2727-4CAB-85F1-7EA083754078.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Dekeda Boosaaso[Sawirro]


BOOSAASO  – Dekeda Boosaaso ayaa ah mid mashuul ah ka dib markii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay Ganacsatada u qabatay adeegyo kala duwan oo ku aadan fududaynta shixnadohooda ganacsi.

Doonyaha iyo maraakiibta ayaa wada shixnado kala duwan kuwaasi oo ay ka keeneen wadamada ay Puntland xiirka ganacsi la leedahay.

Maamulaha furdooyinka Maxamed Yuusuf oo kormeer shaqo ku dhexmaray Dekeda ayaa ka  hadlay mashquulka Dekeda iyo Cashuurista alabaabada kala duwan ee ganacsi.

“Waa ilaahay mahadii in ay si wanagsan ay shaqada dhanka Cashuuruhu noogu socdaan, marka aan ka hadlo mashquulka dekeda waxaa sabab u ah in Wasaaradda Maaliyaddu ganacstada ay u samaysay adeegyo kala duwan oo u fududaynaaya in ay hantidooda si dhakhso ah ula baxaan marka ay Cashuurtan” ayuu yiri

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidamada ilaala cashuuraha ayaa qayb wayn ka qaatay habsami u socoda ka shaqada sida uu sheegay maamulaha furdooyinka Maxamed Yuusuf.

Agaasime kuxigeenka dakhliga Abshir Maxamed abshir ayaa dhankiisa sheegay in ay ka  go’an tahay in ay hirgaliyaan siyaasada Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ee ah in dakhliga kor looqaado Ganacsatadana si wayn loo soo dhoweeyo.

Isbedelka dhanka mashquulka Dekeda Boosaaso ayaa qayb ka ah horumarka ganacsi ee ka socda Puntland. 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland