37027B2B-253E-4242-860D-2AE9DEE162D3.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Jaamacadda Boosaaso oo kulan ku qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa ka qabsoomay Jaamacadda Boosaaso faraca Garoowe kulan u dhexeeyey Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Jaamacadda Boosaaso.

Kulanka waxa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Jaamacadda Boosaaso Faraca Garoowe Dr. Maxamed Cali Maslax, ku xigeenka Agaasimaha guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir, Guddoomiye kuxigeenka dallada bulshada rayidka ah (PUNSAA) Mustafa Cabdalla, aqoonyahan Yacquub Maxamed Cabdalla, qaar ka mid ah howl wadeenada wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee ardayda Jaamacadda Boosaaso Faraca Garoowe.

Kulanka waxa uu ku saabsanaa horumarinta dhaqaalaha, wacyigelinta canshuuraha iyo is xog waraysi u dhexeeyey Wasaaradda Maaliyadda iyo ardayda Jaamacadda Boosaaso Faraca Garoowe.

Kulanka ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee Wasaaraddaha Maaliyaddu ay la qaadato jaamacaddaha dalka.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland