1.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Madaxda gobolka Bari oo go’aano kasoo saaray Shilling Soomaaliga[Sawirro]

Kulan ay ku yeesheen magaalada Boosaaso Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ,Maamulka gobolka Bari,kan Boosaaso iyo ayaa waxa ay go’aan kaga gaareen Isticmaalka lacagta Shilling Soomaaliga.

Kulanka oo socday saacado ayaa lagu go’aamiyey arrimo badan oo ay kamid yihiin lacagta la qaadan karo,sarifka lacagaha qalaad iyo arrimo kale oo isla lacagta ku saabsan.

Waxaana ugu dambeyn kulanka laga soo saaray qodobo ay kamid yihiin:

  1. In dowladu ay qaadan doonto lacagaha Shilling Soomaaliga gaar ahaana kuwa cusub ,lagana tagayo kuwa go go’an iyo sidoo kale kuwa duugga ah.
  2. In Halkii dollar aan laga badin karin 28-kun oo shilling Soomaali ah.
  3. In Sariflayaasha Boosaaso loo sameeyo sharci ay ku shaqeeyaan.

Duqa degmada Boosaaso Eng Yaasiin Mire Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Boosaaso iney joojiyaan Mudaharaadka isla markaana ka shaqeeyaan nabadgelyada.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) ayaa sheegay in cashuurta ay ku qaadayaan lacagta cusub oo keliya isla markaana aysan qaadan doonin lacagihii hore ee Shilling Soomaaliga gaar ahaana kuwooda duugga ah.

Waxa uu sheegay in wixii maanta ka dambeeya aysan aqoonsanayn sarifle loogana baahan yahay iney sameystaan aqoonsiyo.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay iney ka shaqeynayso dowladu sidii wax looga qaban lahaa lacagaha soo galaya dalka,wuxuuna sheegay in garab taagan yihiin bulshada reer Puntland.

Waaxda Warbaahinta