14

Wasaaradda Maaliyadda Puntland Iyo Sariflayaasha oo go’aan kasoo saaray shir ay yeesheen(Sawirro)

14Boosaaso: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa go’aan ka gaartay sarifka lacagta doolarka kadib kulan ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso.

Xarunta gobolka oo kulanka ka dhacay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland mudane Cabdillaahi Shiikh Axmed, Wasiir kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Puntland mudane Maxamed Jibriil Caateeye,maamulka gobolka iyo kan degmada iyo ganacsatada magaalada.

Mudane Cabdillaahi Shiikh Axmed
Mudane Cabdillaahi Shiikh Axmed

Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in sarifka lacagta doollarka ah laga dhigo gacanta hore boqolkii dollar -laba minyan iyo afar bool oo kun($2,400,000),halka gacanta danbena laga dhigay laba malyan iyo shan boqol oo kun($2,500,000).

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in sariflihii fulin waaya amarka ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

32Ganacsade Aadan Doolar ayaa isna dhankiisa sheegay in ay u hoggaansamayaan amarka soo baxay isla markaana ay fulinayaan.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ugu danbeyn sheegay in shaman gobolada Puntland oo dhan ka hirgalayo amarka ku saabsan sarifka lacagta doolarka ah.

3 5 18 19 22 23 27 28 29

Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Puntland
mofpuntland@gmail.com