40bdc0ce-1cb6-4fe5-a9c7-85a2682bf5a8

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Addis Ababa uga qeybgaleysa Shirka Wadatashiga Gunaanadka Istaraatiijiyada Baahinta Lacagta(Sawirro)

40bdc0ce-1cb6-4fe5-a9c7-85a2682bf5a8Maanta oo taariikhdu tahay 04/05/2016 waxaa magaala madaxada Puntland ka amba baxay wafti baraadhan oo ay hogaamineyso Wasaarada Maaliyada dawlada Puntland.

Waftigaas waxaa ay ka goobnaayeen Agaasimayaal ka kala socda Wasaaradaha ( Maaliyada, deegaanka, caafimaadka, Arimaha Gudaha, Waxbarashada iyo xafiiksa madaxwayne ku xigeenka dawlada) iyo degmooyinka ay ka mid yihiin Bosaso, Garowe, Bayla iyo Eyl si loo soo gunaanado siyasada baahinta lacagaha.

Shirkaas waxa uu ka soconayaa mudo dhan saddex cisho Magaalada adisababa ee dalka Ethopia.

Agaasimaha guud ee cashuuraha bariga iyo xoghayaha wasaarada maaliyada ayaa ka warbixiyey ujeedka shirkan ka dhici doona Addis Ababa waxana ay ka warbixiyeen ujeedada shirka ka dhici doona Adis ababa.

Waxayna ku dhiiri galiyeen ka qaybgalayaasha in ay ku daraan aragtidooda iyo khibaradooda gunaanadka istaraajida baahinta lacagaha dawlada puntland.

Waxay kaloo oo ay u mahadcelinayeen kooxda wasaarada maaliyada oo kaalin wayn ka qaadatay diyaarinta istaraatiijiyadan.

20cbd622-68c6-4c01-930d-da95e5f9e88e 48f11cda-4ba6-4281-a71d-c81f6d859eb6 a37a74aa-de20-4e42-9de0-5254d8ef25c6 f1e45454-97da-4f75-bfaa-aa3ff9d8e963

Mohamud Abdisalan Xasan
Madaxa Media wasaaradada Gobolka Nugal