img_3732

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay miisaaniyada 2017 (Sawirro)

img_3732Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland ayaa maanta oo Tallaada ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 13-12-2016 waxay miisaaniyadda Dowlada 2017 horgeysa Golaha Wakiilada Puntland.

Fadhi uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi oo ay ka qeybgalleen ku dhawaad Afartan Mudane oo Golaha Wakiiladda ka mid ah ayaa miisaniyadan lagu horgeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Cabdullaahi Shiekh Axmed ku xigeenkiisa Axmed Yaasiin Saalax iyo guud ahaan Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyada ayaa xarunta Baarlamaanka si wada jir ah ugu sugnaa.

img_3758Muhiimada loogu talagalay Miisaaniyadda Dowlada 2017ka ee baarlamaanka la horgeeyay waxay tahay sidii ay xubnaha golaha Wakiilada turxaan bixin ugu sameyn lahaayeen qaab dhismeedka ay Wasaaradda usoo diyaarisay Warbixinta Miisaniyadda Dowlada oo lagu Qeexay daqligaa Miisaaniyadda DOwlada iyo Kharaska Dowlada oo la isla ekeeysiiyay taasi oo ka dhigan sidan $160,5600,648.

Dakhliga Wasaaradda ayaa sanadka 2017 waxa ugu talagashay in loo maray dib u eegis lagu sameeyay dhammaan Madaxda Dakhliga Wasaaradda,iyadoo si hoose loo eegay Madaxyadii sidhinka ku yimid si loo kabo isdhinkaasi.

img_3743Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxay si ka fiirsi leh u odorostay Dakhliga bilaha ah ee laga filayo inuu dowlada usoo xaroodo 2017,iyadoo qorshaha lagu daray ilaha cusub ee Dakhliga,sida Canshuurta shaqaalaha rayidka ah ee (UN,INGOST.ETC).

Warbixintan aya waxaa sidoo kale lagu daray Canshuurta Garoomada Diyaaradaha Garowe iyo Boosaaso iyo Canshuuraha laga filayo Hay’adaha Caalamiga ah sida Qandaraasyada,Kirooyinka,baaburta,iyo Qarashyada ay gallaan IWM.

Dakhligaasi ay odorosta dheer ku sameysay Wasaaradda Maaliyada Waxay ku sheegtay in bishii uu noqonayo koror dhan,$430,000 doolar kaasi oo ah Dakhliga Miisaaniyadda 2017 ka dhigaya $5,230,000

img_3757Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Dowlada Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa xubnaha golaha Wakiilada ka hor aqriyay Warbixin dheer oo ay wasaaraddu ka soo diyaarisay qaab dhismeedka miisaaniyada Dowlada 2017.

Wasiirka ayaa aqrinta qudbadiisa ka dib waxaa uu guud ahaan xubnaha golaha Wakiilada ka codsaday in ay si xushmad leh u ansixiyaan Miisaniyadda dowlada oo ay Wasaaraddu mudo ku howlaneed sidii ay ku soo diyaarin lahayd.

Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa sanadkan Dakhliga Wasaaradda ku soo dartay Gobolada Hay’land-Gardafuu-iyo Sanaag halkaasi oo aan hore looga qaadi jirin Canshuuraha Dowlada.

Mudanayasha Baarlamaanka ayaa maalmaha soo socda waxay soo eegi doonaan qaabdhismeedka Misaaniyadda DOwlada oo ay Wasaaraddu soo Diyaarisay waxaana ka dib soo egistaasi ay xubnaha golaha Wakiilada u qaadi doonaan codka kalsoonida si ay u ansixiyaan.

img_3716 img_3717 img_3718 img_3719 img_3720 img_3721 img_3722 img_3726 img_3727 img_3729 img_3730 img_3735 img_3736 img_3742 img_3750 img_3752 img_3758 img_3767 img_3770

Maxamuud Cabdisalaan
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda
Garoowe