Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Miisaaniyadda sanadka 2021-ka(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland ayaa maanta horgeysay Golaha Wakiilada Puntland Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee sanadka 2021-ka

Miisaaniyadan Golaha la horgeeyey maanta ayaa sanadkii dhan $341,861,037.

Miisaaniyaddan oo kala ah miisaaniyada laga maamulaayo khasnada Dawladda oo dhan  $139,768,739 iyo miisaaniyada ka baxsan khasnada oo dhan $202,092,298 taas oo ah mashaariic ay hay’adaha caalamiga ka fulinayaan Puntland.

Ku-simaha Wasiir Maaliyadda ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Eng. Cumar Xassan Fiqi oo Golaha ka horjeediyey faah-faahinta Miisaaniyadda ayaa tilmaamay inay wasaaradu qabatay shaqooyin baaxad leh, kuwo hor lehna ay qorshaysan yihiin sanadka soosocda ee 2021 hadii Alle idmo.

Wuxuu sheegay in wax yaabaha qorahaysan ay kamid tahay hirgelinta Khasnada midaysan ee Dawladda oo laga maamuli doono dhammaan arrimaha Maaliyadda Puntland oo ay kamid yihiin Mashaariicda ay hay’adaha caalamiga ka fuliyaan Puntland.

Ugu dambayn Mudane Wasiir Fiqi ayaa Golaha ka codsaday inay ansixiyaan Miisaaniyadda hortaala si loo dhaqan geliyo bilowga sanadka cusub.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland