FB_IMG_1533665167338.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Xisaab xirka 2017[Sawirro]

GAROOWE – Kalfadhiga 41aad fadhigiisa 21 aad oo ay soo xaadireen in ka badan ilaa 36 mudane isla mar ahaanatana uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilalda Puntland Mudane .Axmed Cali Xaashi ..

Kulankii maanta waxaa golaha horyaalay Xisaab Xirka 2017 , xisaab xirkaan oo golaha loo qaybiyey isla maanta ayaa waxaa golaha horyimid si uu Faah faahin uga baxiyo Xisaab Xirka sanadka 2017 Wasiirka Wasaraadda Maaliyadda Dowllada Puntland iyo Qaar kamid ah Masuuliyiinta Wasaraadda Maaliyada .

Wasiirka Wasaraada Maaliyada Puntland C/llaahi siciid Caarshe ayaa waxaa uu golaha ka soo jeediyey warbixin la xiriirta Xisaab Xirka Sanadka 2017 , faahinta dakhliga iyo kharashaka dowladda dhexe , is bar bar dhiga dakhliga , is bar bardhiga kharasha ku talagalka

Gudoomiyaha Golaha wakiillada Puntland Axmed cali Xaashi ayaa golaha u sheegay in maanta ay haystaan Xisaab Xirka sanadka 2017 lana doonaayo in lasoo akhriyo dibna la isagu soo laabto Maalinta Sabtida.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland