BB0922CB-D9EB-4A89-96B7-84B8292FBE04.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka u gudbisay Xisaab xirka 2018[Sawirro]

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Gollaha Baarlamaanka Puntland u soo gudbiyay Xisaab xirka 2018 sida uu qabo Dastuurka qodobkiisa 137aad oo ka hadlaaya Xisaab xirka.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland Mudane C/xakiin Maxamed Axmed ayaa Gollaha ka hor sheegay in madaxda Wasaaradda Maaliyaddu wado Xisaab xirka 2018.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/1221734578008931/

Golaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku sugnaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee ay kamid ahaayeen Wasiirku Xigeenka Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud ee Dawladda iyo Agaasimayaasha Wasaaradda.

Soo jeedinta Wasiirka ee Xisaab xirka 2018 kadib Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa in ay wax badan ka soo ogaan doonaan haddii ay xog dheeraad ahna rabaan u yeeri doona madaxda Wasaaradda Maaliyadda si ay su’aalo uga waydiiyaan.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland