77EB82DB-6D8F-4FCB-8BF7-39D6E7F74463.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Barnaamjika FMIS-ka ka Daah-furtay Qardho[Sawirro]

QARDHO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Barnaamijka FMIS-ka ka daahfuray degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

Barnaamijka daahfurkiisa ayaa waxa kasoo qaybgalay Xisaabiye kuxigeenka guud ee Dowladda Cali Jaamac Gaashaan,Xiriiriyaha Mashruuca PFM Cabdiqaadir Axmed Xaashi, Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere, Madaxa qaybta FMIS Axmed Saalax Buraale, Xoghayaha dowladda hoose iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Barnaamijka FMIS waa nidaam computerized ah, kaasoo fududeynaya dhammaan qaybaha kala duwan ee shaqada sida xareynta dakhliga, bixinta kharashka,ilaalinta miisaaniyadda, diiwaangelinta cashuuraha dhaatada,xaraynta hantida ma guurtada ah, maamulka shaqaalaha iyo mushaharka.

Xisaabiye kuxigeenka guud ee dowladda Cali Jaamac Gaashaan iyo Xiriiriyaha mashruuca PFam Cabdiqaadir Axmed Xaashi oo ugu horeyn ka hadlay daahfurka Barnaamijka waxay si wadajir ah uga hadleen faa’idooyinka Barnaamijka FMIS.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda uga mahadceliyay barnaamijkan ay ka hirgaliyeen degmada Qardho ,waxana uu sheegay ka degmo ahaan ay ka faa’idaysan doonaan.

Madaxa Qaybta FMIS Buraale Axmed Salax ayaa shaqaalaha degmada siiyay tababar ku aadan adeegsiga Barnaamijka FMIS.

Barnaamijkan wuxuu fududeynayaa shaqada isla markaana uu yareynayaaa khaladaadka

Iyo musuq maasuqa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Ugu dambayn waxaa Barnaamijkan daahfuray Cali Jaamac Gaashan Xisaabiye kuxigeenka Guud ee Dawladda Puntland.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland