Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Daahfurtay Cashuuraha Gadista iyo Kireynta Daaraha Ganacsi(Sawirro)
Kulan ku saabsan dardargelinta Cashuuraha Gadista iyo kicinta Cashuuraha Daaraha kireysan ee Ganacsiga,Hay’adaha,NGO iyo Iskuulada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Kulanka oo ka dhacay Waxaada Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu Daahfuray Cashuurta Gadista iyo kicinta Cashuurta Daaraha kireysan.
Waxaana kulanka kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax,Agaasimaha Guud ee Cashuuraha Berriga Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan),Agaasimaha Maamulka,Xisaabiye kuxigeenka iyo shaqaalaha.
Agaasimaha Guud ee Cashuuraha Berriga Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa ugu horreyn sharaxay Ujeeda kulanka loo qabtay iyo muhiimada Daahfurka howshan.
……Waxaan rajeynayaa in labada Cashuurood aan daahfureyno haddii ay gobolka ka dhaqaaqaan in gobolku mar labaad noqonayo hoggaanka dhaqaalaha siduu awalba u ahaa cashuuraha Berriga ee gobolada””ayuu yiri
Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa sheegay in Daahfurka cashuurahan uu dhaqangal yahay isla markaana horay loo soo mariyey Baarlamaanka Dowladda Puntland.
……Nuxurka shirkeenu waxa weeye inaan Daahfurno cashuurahaas iney dhaqangaleen ma ahan cashuuraha mid Baarlamaanka la marinayo’o oo cusub waa cashuur Baarlamaanku horay u ansixiyey “”ayuu yiri
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ahna kusimaha Wasiirka Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay iney muhiim tahay cashuuraha isla markaana u sameeyeen sharci lagu hirgelinayo.
Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com