Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dardagalisay qaadista Cashuurta Wada-marista(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa manta dardargalin ku sameesay qaadista cashuurta wada marista.

Agaasimaha Waaxda Cashuurah Berriga oo kormeer shaqo ku tagay goobaha lugu uruurinayay cashuuraha ayaa u sheegay shacabka inay gaadiidkooda cashuuraha ku waajibay ay si hufan u bixiyaan si dowladu awood ugu yeelato waxqabad la taaban karo.

Cashuurta wada marista ayaa ah cashuur laga qaado gaadiida saddaxdii bilood mar ayadoo ay jirto ganaaxyo raaca markii xilliga waajibka ah uu bixin waayo mulkiilaha gaariga.

Wasaaradda Maaliyadda Dowldda Puntland ayaa ku baaqaysa markasta iin muwaadinku noqdo cashuur bixiye wanaagsan si kor loogu qaado adeegyadda Dawladda ay mas’uulka uga tahay shacabkeeda sida jidadka, caafimaadka, waxbrashada iyo horumarla kale ee ka xafiisyada dalka.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland