21.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Dayactir ku sameynasa Xarunta Ciidanka SPU-da Boosaaso[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xeradii hore ee Guulwadayaashii Dowladii hore ee Soomaaliya haddana xarun u ah Ciidamada SPU-da taasoo ku taala gudaha magaalada Boosaaso.

Wasiir Carshe,waxaa ku weheliyay kormeerkiisa Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Cabdirisaaq Xasan Maxamed,Agaasimaha kuxigeenka dakhliga Mudane Cismaan Buux Cali,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Cabdisamad Cawad Surato,saraakiil iyo xubno kale.

Madaxda ayaa mid mid u kormeeray dhismaha xaruntan oo dayac baahsan ka muuqday,waxaana ujeedka kormeerku ahaa sidii dayactir dhameystirqn loogu sameyn lahaa isla markaana ay ugu shaqeyn lahaayeen ciidamada Turbataariyada(Cashuuraha),waxaana xeradan sidoi kale degan ciidamada SPU-da ee Ilaaliya shaqaalaha hay’adaha.

Dayactirka Xeradan ayaa timi ka dib markii Taliya Laanta ilaada Cashuuraha Gobolka Barri Con, maxamed Baari uu codsi u gudbiyay madaxda wasaaradda in ciidamada Cashuuruhu qayb laga siiyo xeradan lana dayactiro ayna ka aqbaleen Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu.

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Puntland Mudane Cismaan Buux Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay kormeerka xaruntan iyo qorshaha Wasaaradu dib ugu dayactireyso.

..” Xeradan waa xero weyn oo xeryihii hore ee ciidamada dowlada lahaayeen jireen waana xeradii Guulwadayaasha,waxaa marka lagu taliyay ama Taliska Booliska iyo dowladu isla garatay in qeyb kamid ah laga siiyo Ciidanka Turbataariyada(Cashuuraha), maadaama xeradan horey u baaba’sanayd ayna shaqo badan u baahan tahay in la dayactiro ,waxaana Wasiirka iyo Wasaaradda Maaliyadda ay u yimaadeen in la kormeero isla markaana dayactir lagu sameeyo..”ayuu yiri Cismaan Buux Cali

Mudane Cismaan Buux Cali ayaa sheegay in marka la dhameystiro dayactirka xeradan ay wada degi doonaan ciidamada Turbataariyada iyo ciidanka SPU-da.

…” Dayactirkaas waxa uu noqonayaa in marba qeyb la sameeyo maadaama ay xeradu aad u weyn tahay, waxaana hadda qorsheynay inaan dhinac sameyno oo ciidanka Turbataariyada dhinac loo hagaajiyo markii taas la dhameystirana dhinaca kale la dhameystiro dhammaana xerada oo dhana la dayactiro,xeradana ay wada degaan ciidanka Turbataariyada iyo Ciidanka SPU-da maadaama ay tahay xero weyn oo ku filan ciidamada oo dhan..”ayuu yiri mar sheegay!

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa maantaba geysay xerada Injineerkii qiimeyn ku sameyn lahaa dayactirka xaruntan,taasoo lagu wado in sida ugi dhakhsiyaha badan loo bilaabo.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland.