1-14

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Gargaar gaarsiisay Qoysas kasoo barakcay Qandala(Sawirro)

1-14Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas ka badan afar boqol kuwaasoo kasoo barakacay deegaanka Qandala ee gobolka Bari.

Qoysaskan ayaa kasoo cararay baqdin ay ka qabeen in magaalada Qandala uu dagaal ku dhaxmaro maleeshiyo Daacish iyo Ciidamada Puntland oo deegaanka ku wajahan.

Deeqdan ay Wasaarada Maaliyadda Puntland gaarsiisay qoysaskan ayaa ka kooban saliid,sonkor,bur,timir caano iyo cuntooyinkale.

Mudane Axmed Yaasiin Saalax
Mudane Axmed Yaasiin Saalax

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ahna kusimaha Wasiirka Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in deeqdan raashinka ugu talagaleen qoysaska kasoo barakacay deegaanka Qandala ee gobolka Bari.

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa ugu baaqay bulshada reer Puntland iney garab isaataagaan walaalooda isla markaana ay la gaaraan wixii ay u awoodaan oo wax u qabasha ah.

Hoos ka daawo sawirada deeqda la gaarsiiyey qoysaskaas.

1-1 1-2 1-3 1-4 1-5 1-6 1-7 1-8 1-9 1-10 1-11 1-12 1-13 1-15 1-16 1-18 1-19 1-20 1-21 1-22 1-23

Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com