Screen-Shot-1438-12-20-at-12.22.17-PM.png

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Garoowe ku qabatay Shirkii bilaha ahaa ee Guddiga Farsamada Barnaamijka Bangiga Adduunka[Sawirro]

Waxaa maanta September 10, 2017,qabsoomay shirkii Bilaha ahaa ee Gudiga Farsamada Barnaamijka Bankiga Aduunku ka filinayo Puntland gaar ahaan W/Maaliyadda (Technical Steering Committee).

Shirkan oo uu shir gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah shir bil kasta mar dhaca,waxaana lagu gorfeeyaa Arimaha Qabsoomay, meesha la marayo iyo Waxyaabaha la qabandoonoiyo,CaqabadahaTaagan iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Shirka ,waxaa ka soo qaybgalay Xubnaha Gudiga oo isugu jira Wasiirka Maaliyadda,Wasiirkuxigeenada W/Maaliyadda,Agaasimayaasha guud ee W/Maaliyadda,Kooxda FMIS,Xiriiryaha PFM-ka, BankigaDhexe, Hantidhowrka guud iyo xubno kale .

Shirka oo lagu gorfeeyey mashaariicda Bankiga aduunku ka filayo Puntland gaar ahaan mashruuca PFM (Public Financial Management) Habka Maareynta Dhaqaalaha Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdillaahi Siciid Carshe oo shirka Furay ,wuxuuyiri “Wasaaradda Maaliyaddu ,waxa qorshaheedu yahay sidii loo kordhin lahaa Dakhliga loona horumarin laahaa Nidaamka Maaliyadda Dalka,wuxuuna xal ka gaaray caqabaha taagan gabiahaanba si horey loogu dhaqaaqo”.

Ugudanbeyn waxaa shirka soo xiray Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdillaahi Siciid Carshe.

Xafiiska Wacyigelinta Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Magaalada Garoowe 

Maxamuud Cabdillaan