5I2A0785.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo go’aamo kasoo saartay Lacagta Shilling-ka Soomaaliga[Sawirro]

Waxaa maanta shir isugu yimid magaalada Garoowe mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga dhexe oo ay weheliyaan Wasiiradda Arrimaha gudaha iyo amniga Puntland.

Shirkan ayaa lagu falanqeeyey diidmada lacagta shilling-ka Soomaaliga ,kala gurideeda iyo sarrifkeeda kala duwan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa warbaahinta u akhriyey qodobadii kasoo baxay shirka ,wuxuuna sheegay in aysan jirin meel dowladu ku diiday qaadashada shilinkina Soomaaliga.

 Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa ugu baaqay shacabka in ay qaataan lacagta iyaga oo aan kala gurin.

Qodobadii kasoo baxay shirka ayaa ahaa sidan:

  1. Lacagta shilinga Soomaaliga waa astaan qaran, dalk kastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, Puntland kama duwana, ciddii ka hor imaatana waxaa qaran dumis.
  2. Dowladda Puntland lacagta SH.So, waxay  ku qaadaa cashuurta, waxayna ku bixisaa Mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, meel ay ku diidayna ma jirto.
  3. Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta sh. so qaataan, iyaga oo aan kala gurin, sarrif kala duwanna looma samayn karo. arrintaas oo aan diin ahaan banaanayn (ribo).
  4. Hay’adaha dowladda ee fulinta shaqadan qaybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibkooda shaqo ka gutaan.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Puntland Col. Axmed dowlad,Wasiirka arrimaha gudaha Cabdillaahi Cali Xirsi(Timacade) iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Puntland Cabdi Ismaaciil Boos oo iyana la hadlay warbaahinta ayaa shacabka u diray fariin la mid ah tan Wasiirka Maaliyadda.

Waxay sheegeen in dowladda ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu qabto iyagoo kala guraya lacagta Shilinka Soomaaliga.

Xafiiska Wacyigelinta Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Magaalada Garoowe

Maxamuud Cabdillaan