Agaasime Kuxigeenka Guud ee Dakhliga W/Maaliyadda oo kormeer shaqo ku tagey dhismaha Machadka Barashada Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Agaasime ku-xigeenka guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal oo dhisme ka socdo iyo Machadka barashada maamulka iyo maaraynta ee shaqaalaha Dawladda.

Mas’uuliyiinta ayaa Madaxda shirkada Albaashi ka dhegaystay xogta dhismaha halka uu maraayo, waxana ay sheegeen in ay tahay talaabo muhiim ah in Dowladdu horumariso dhismaha goobaha dakhliga.

Mas’uuliyiinta sidoo kale booqaday xarunta Machadka Maamulka iyo Maareynta, waxaana ku soo dhoweeyeey agaasimaha guud ee machadka iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha iyo hawl wadeenada machadka ee dawladda Puntland.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii shaqaalaha dakhliga oo qorshuhu yahay in sannadka 2022 loo sameeyo tababbaro kala duwan kuwaas oo loogu qaadayo tayada, xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha.

Kuxigeenka Agaasimaha guud ee dakhliga Abshir Maxamed Abshir ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka kulanka isagoo xusay in kor u qaadista tayada iyo aqoonta shaqaalaha ay ka mid tahay baahiyaha koowaad oo qorshaysan sanadka 2022.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee machadka shaqaalaha mudane Axmed Jaamac ayaa xusay in ay diyaariyeen dhammaan fasaladii lagu bari lahaa shaqaalaha casharrada iyo xarun lagu qalabeeyay qalabka fogaan aragga ah oo casri ah taasoo hab online ah loogu bari dooono shaqaalaha iyo qolalkii ay seexan lahaayen shaqaalaha tababbarka u imaan doona machadka haddii Alle idmo.

Mas’uuliyiinta Bankiga Adduunka ayaa iyana sheegay in fikirkaan uu yahay mid mira dhal ah ayna xoojinayaan taageerida sidii loo heli lahaa xarun ka jawaabta baahiyaha tababarka ee ka jira gudaha Puntland.

Waxaa xusid mudan Madaxwaynaha Dowladda Puntland ayaa qayb wayn kulahaa dar’dar galinta dhismaha machadka maamulka oo ahaa qorshaha Puntland ee tayeynta iyo kobcinta tayada shaqaalaha Dowladda oo hirgalay inta uu talada dalka isagu hayey.