Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Golaha Wakiiladda horgeysay Miisaaniyadda 2022(Sawirro)

GAROOWE – Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee Sannadka 2022-ka oo ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa la hor geeyey Golaha Wakiiladda ee Dowladda Puntland.

Kulanka Golaha, waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Gudoomiye kuxigeenadiisa.

Miisaaniyadda la hor geeyay Golaha Baarlamaanka ayaa dhan $354,093,039. Horayna usoo ansaxiyeen Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland.

Wasirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane, Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa ka qeyb galay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane, Xasan Shire Cabdi ayaa Golaha ka hor jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku aadan Miisaaniyadda 2022-ka , waxana uu Golaha ka codsaday in ay ansixiyaan Miisaaniyadda.

Golaha Baarlamaanka, ayaa maalmaha soo socda si wayn u eegi doona Miisaaniyadda ay soo diyaariyeen madaxda Wasaaraddu.