51F4963C-62C1-4168-A039-85C1B79B0701.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka bilowday Qardho Ololaha qaadista Cashuurta Gaadiidka(Sawirro)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Karlaar ayaa maanta bilaabay degmada Qardho ololaha Cashuuraha Gaadiidka.

Ololahan ayaa ahaa mid si guud uga bilowday Gobolada Puntland .taasoo uu horay u shaaciyay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire.

Ololaha Cashuurta Gaadiidka ee degmada Qardho ayaa waxaa hoggaaminayay Xisaabiyaha Gobolka Cabdirisaaq Cali Cartan, Maamulaha Cashuuraha Cabdirisaaq islaan Maxamed iyo Taliyaha ilaalinta Cashuuraha C/qaadir Axmed Khayr (Bashka).

Ciidamada ilaalinta Cashuuraha intii ay wadeen ololahan Cashuuraha,waxa ay ku guulaysteen in ay soo qabteen gaadiid aan Cashuurnayn.

Taliyaha laanta ilaalinta Cashuuraha Gobolka Karkaar Gashaanle dhexe C/Qaadir Axmed Kheyr (Bashka) ayaa wadayaasha Gaadiidka ugu baaqay bixinta Cashuuraha halka Maamulaha Cashuuraha Gobolka karkaar Cabdirisaaq Islaan Warsame uu sheegay inay si habsami leh u socoto Cashuurista Gaadiidku.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Karkaar C/risaaq Cali Cartan ayaa sheegay gaadiidlayda bixin weyda Cashuurta in la hor geyn doono sharciga sidaasina ay balantu tahay.

Ololaha Cashuurta Gaadiidka ayaa guud ahaan Puntland uga socda sidii loogu tala galay,waxana uu noqon doonaa mid sii-socda sida ay sheegeen madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland