DDB62A0B-777D-4464-8854-94DA08198291.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka hirgelinaysa D/hoose ee Boosaaso Barnaamijka FMIS[Sawirro]

BOOSASO – Xarunta Dawladda Hoose ee degmada Boosaaso ayaa laga hirgalinayaa habka casriga ah ee dhanka xisaabaadka Computerized ee loo yaqaan Financial Management Information System [FMIS].

Xarunta Dawladda hoose waxaa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan Xafiiska PFM ka waxana ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta degmada oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha,Xoghayaha iyo Xisaabiyaha.

Madaxda Dawladda Hoose iyo madaxda Xafiiska PFM ka ayaa ka wadahadlay sida ay madaxda degmada Boosaaso u adeegsan lahaayeen Hannaanka loo yaqaan FMIS ( Financial Management Information Systems), ugana guurto Habkii gacanta shaqada laga qaban jiray,

Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa sheegay in ay baahi wayn u qabeen adeegsiga Financial Management Information System, wax wayna ka badali doono shaqada Dawladda Hoose ee Boosaaso.

Shaqaalaha Dawladda Hoose ayaa la filaayaa in dhowaan loo qabto Tababar ku aadan adeeg- siga Financial Management Information
System.

Mashruucan waxaa maalgalinaya Bangiga adduunka, waxana fulinaaya Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee PFM.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland