Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ku guuleysatay hirgelinta nidaamka Computerized ah [Sawirro]

BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku guuleysatay in la hirgeliyo nidaam Computerized ah lagana guuro habkii gacanta. Nidaamkan waxaa kamid ah in Ganacsatada Cashuur bixiyaasha ah in ay si fidud ku bixiyaan cashuurta iyagoo helaya fariin qoraaleed (SMS) iyagoo jooga goobtooda shaqo isla markaana waxay ku bixinayaan Akoonka loo tilmaamay ee Wasaaradda.

Bixinta Cashuurta kadib waxaa loo dirayaa fariin kale oo ah mahadcelin. Nidaamkan wuxuu u sahlayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda in ay 

Si fudud ku helaan xogta Cashuur bixiyaha fiican iyo Cashuurdiidka iyagoo helaya (PAID and UN-PAID reports) oo macnaheedu yahay wuu bixiyay Cashuurta iyo ma bixin Cashuurta.

Qabsoomida nidaamkan ayaa in muddo ah oo uu hakad ku yimid shaqooyinka qaybtood sida isu keenida dad badan oo hal meel lagu tababaro, cudurka COVID-19 awgiis, waxaa hada dardargelin la geliyey in si caadi ah loogu adeego shacabka loona tababaro shaqaalaha.

Si loo helo hannaan wanaagsan oo lagu shaqeeyo waxaa Wasaaraddu hirgelisay nidaam”System” lagu miisaamayo badeecadaha ka soo dega Airporka Boosaso iyadoo laga guurayo habkii alaabta Ganacsatada lagu sameeyo furfurid badan si fududna loo Miisaamayo laguna xirayo sticker kaas oo u sheegaya lacag qabtaha nooca ama Miisaanka Alaabta.

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland waxa ay hirgelisay Nidamka Dakhliga Mideysan oo ah dhammaan Wasaaraddaha bixiya Shahaadooyinka in ay isticmaalaan (SINGLE WINDOW ama One-stop-shop) si loo yareeyo in qofka ganacsadaha ahi meela kala duwan tago. Waxaana loo fududeeyey in uu adeegiisa hal meel ka heli karo waana talaabo horay loo qaaday.

Hirgalinta nidaamkan ayaa ah in qofka Ganacsadaha ahi uu iska soo diiwaangeliyo meel kasta oo uu joogo si uu u helo adeegyada sida Ruqsadaha, Shatiyada, Cadeynta cashuur bixinta (Tax clearance), TIN numberka iwm. Isla markaana si fudud u bixiyo Cashuurta isaga oo aan dhibaato badan mareyn. 

Hirgalinta Barnaamijkan waxaa Wasaaradda Ka caawiyey Bankiga Aduunka gaar ahaan Mashruuca PFM. Ujeedada laga leeyahay waa in la helo Daahfurnaan, hufnaan iyo isla xisaabtan.

Baahintii 

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland