2138A347-40EE-4A32-9D6E-346C433D4623.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ku qabatay Qardho kulan looga hadlaayay Dakhliga[Sawirro]

QARDHO – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa xarunteeda Qardho ku qabatay kulan looga hadlaayay kor u qaadida Dakhliga , shaqaalaha ay dadaal dheer ah u sameyn lahaayeen.

Madaxda ka qeybgashay kulanka ayaa waxaa kamid ahaa Agaasime kuxigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac , Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee dowladda Cali Jaamac Gaashaan, Xisaabiyaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Boos, Agaasimaha Waaxda Deeqaha dibadda Nuuraani Xaaji Maxamed iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dhanka Cashuuraha Berriga.

Kulankaan ayaa ahaa mid ay isku baranayeen Madaxda dhowaan loo soo magacaabay gobolka Karkaar iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka howlgala magaalada Qardho.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa kulanka kaddib maanta booqasho ku tagay Kastamla Cashuuraha tuuladda Alxamdullilaah ,iyagoona kulan kula qaatay mas’uuliyiinta gacanta ku haysa Kastamkaas.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland