DSC_0187

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaadatay Qandaraas- qaatayaasha Boosaaso[Sawirro]

DSC_0187BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la qaadatay Xubno ka socday Shirkadaha qaata Qandaraasyada si loogala hadlo Dardargelinta Cashuurta ku waajibtay.

Shirkan oo ka dhacay Xarunta Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Boosaaso,waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud Cashuuraha Berriga,Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cabdirisaaq Siciid Nuur iyo qandaraas-qaatayaasha.

Agaasimaha Guud Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) oo kulanka ka dib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shirkan uu dabo socday shirar ay ku dardargelinayeen Cashuuraha.

Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan)
Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan)

Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa sheegay iney Qandaraas qaatayaasha kala hadleen bixinta Cashuurta qandaraaska taasina ay isku afgarteen bixinteeda.

Waxaa isugu yeernay shirkan Qandaraas-qaatayaasha ,waxaanu kala hadleynay iney bixiyaan Cashuurta Qandaraaska,waxaan kaloo kala hadleynay dhibaha jira ee soo wajaha aan u xalin lahayn “”ayuu yiri

DSC_0192Waxa uu sheegay in Qandaraas-qaatayaasha isu cadeeyeen isuna bayaamiyeen qaabka loo qaadayo Cashuurta,isagoona shirka ku tilmaamay in uu ahaa mid muhiim ah.

Wuxuu ahaa shir muhiim ah ,waxaana kasoo qeybgalay Qandaraaslayaasha magaalada Boosaaso qaata oo ah kuwa ugu badan Cashuurtan ku bilaabatay .sidey ahayd iyo sida loo qaadayo.

Madaxdii ka socotay Shirkadaha Qandaraas-qaatayaasha ayaa su’aalo badan ka weydiiyey Madaxda Wasaaradda cashuurta nooca ay tahay iyo meeshay ku baxayso iyo weliba cabashooyin ay qabeen taasoo si wanaagsan looga qanciyey.

DSC_0189 DSC_0191 DSC_0193 DSC_0197

Osman Isse
Tifaftiraha Website-ka
Maaliyadda Puntland