29572617_2090186874548723_6628898697765689253_n.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo martigelisay Shir lagula Xisaabtamayay Hay’adaha caalamiga ah ka howlgala Puntland[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta martigelisay kulan ballaaran oo lagula xisaabtamayay Hay’adaha caalamiga,kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn(NGO) ee ka howlgala Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir guddoomiyay ayaa waxaa ku weheliyay dhammaan wasaaradaha ay ka kooban tahay xukuumada Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawldda Puntland iyo qaar kamida ururada rayidka ah.

Shirka ayaa waxaa mid-mid lagula xisaabtamey waxa ay qabteen sandkii la soo dhaafay 2017 iyo qorshaha sandakan 2018 Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka hawl gala deeganada Dawladda Puntland, iyadoo ayna Hay’ad waliba ka warbixisey wixii u qabsoomey sandkii la soo dhaafey iyo waxa u qorsheysan sanadka 2018.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa shirka markii uu soo dhammaaday faahfaahin ka bixiyay arrimaha looga hadlay iyo doorka ay ku lahayd Wasaaradda Maaliyadda.

…” Anaga Wasaarad ka Maaliyad ahaan faa’idada u weyn uu noo lahaa waxay ahayd inaan wax ka ogaano dakhliga soo galaya dalka ay hay’aduhu keenayaan iyo iyadoo canshuurta loo bixin sidii loogu talagalay,hay’aduhu ay qandaraasyada dad siiyaan iyaga oo aan soo marin Wasaaradda Qorsheynta,Wasaaradda Maaliyaddana inta badan la dulmaro..,waxaana kasoo baxay in ay wadashaqeeyaan Wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah,halkaasna faa’ido weyn baa ku jirta canshuurta baa soo xarooneysa ”ayuu yiri

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey inay Dawladda Puntland Iyo Beesha caalamka ay ka wada dhaxeyso wadashaqeeyn wanaagsan, waxaana uu madaxweynuhu hadal kooban uu madasha ka jeediyey ku yiri sidan”

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amrey Hay’adaha caalimga ah iyo (NGO) iny bixiyaan canshuurta ku waajibtay sida uu qabo sharciga iyo waajibaadka caashuur qaadida Dawladda Puntland, isla mar’ahaantaana aan cidna laga yeelayn inay cashuurta bixin waayaan.

 

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com