unnamed-2.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo martigelisay shir u dhaxeeyay Madaxda Federaalka Iyo Puntland

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo Wasiir kuxigeenka Cabdisalaan Bashiir iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa martigelisay shirweyne ay si wadajir ah u qeybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Madaxweynaha Puntland kaasoo ahaa mid wadatashi ah.

Kulanka ayaa diirada  lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee dalka, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka federaalka. Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xuquuqaha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo sidii deeqaha beesha caalamka bixiso si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa.

Waxaa kulankan lagu falanqeeyay sidii maxkamadaha iyo hay’adaha cadaalada ee dowladda federaalka & maamul goboleedyadu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha dadka Soomaaliyeed ay ku xajiyaan oo afar labaad ka badan qiimaha ay bixiyaan shucuubta wadamada deriska ah. Qodobada laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii dib loogu howlgalin lahaa shirkadii diyaaradaha Somaliariline.

Sidoo kale waxaa shirkan looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda.

Waaxda Wacyigelinta Iyo Saxaafadda

Wasaaradda Maaliyadda Puntland