Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo soo dhaweysay xubno aqoon korarsi u yimid Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa xafiiska Wasaarada Maaliyadda Dawladda Puntland aqoon karorsi u yimid shaqaale ka socday Xafiiska Xisaabaadka guud ee Dawladda Fadaraalka Iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan ayaa si qeyn ugu soo dhaweeyay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Garoowe.

Hawl-wadeenada Xafiiska Xisaabaadka guud ee Dawladda Federaalka Iyo Dawladaha xubnaha ka ah ayaa Garoowe u jooga Tababarka ICGFM  

International Consortium on Governmental Financial Management.

Xubnahan ayaa ka faa’ideysanaya qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska Xisaabaadka guud ee Dawladda Puntland iyo hirgalinta Singal Treasary Account (TSA) iyo dhammaan marxaladihi uu soo maray Xafiiska  Xisabadka guud ee Dowladda  iyadoo 21-sanno oo khibrada uu leeyahay Xafiska Xisaabiyaha guud ee Puntland.

Sidoo kale hawl-wadeenada Xafiiska Xisaabaadka guud ee Qaranka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland.

Ugu dambeyntii Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland uu xusay muhiimada ay leedahay in Xafiisyada Xisaabaadka guud ee Qaranka iyo heer Dawlad-goboleed ay is-dhex gal sameeyaan isla markaana ay tahay muhiim iney is-dhexgal yeeshaan maadaama shaqo badan ay ka dhaxeyso.

Xafiisaka Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda

Dawladda Puntland.