1P8A5792.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo tababar ku saabsan Siyaasadda Cashuuraha u qabatay shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta ku qabatay magaalada Garoowe tababar ballaaran oo ku saabsan siyaasadda Cashuuraha.

Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalaya shaqaale ka socda gobolada Karkaar,Nugaal,Sool iyo Mudug,waxaana soo qaban qaabisay shirkadda UNICON halka ay fududeysay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Agaasimaha guud ee Cashuuraha Bariga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Farxaan oo ka hadlay muhiimada tababarkan ayaa sheegay in tababarkan uu yahay kii koowaad ee lagu lagu baranayo Siyaasadda cashuuraha.

Mudane Cali Farxaan oo ka hadlayay khabiirka bixinaya casharada ayaa sheegay in uu wax badan u faa’idayn doono shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee cashuuraha.

…”Wuxuu noo sharaxi doonaa dal-daloolooyinka jira,wuxuu aad uga hadli doonaa shuruucdayadii wixii hore oo aan isticmaalaynay,wuxuu tallooyin badan ka dhiibi doonaa qaabka ay shaqaaluhu ula xiriirayaan ganacsatada sida cashuurta u qaadayaan…”ayuu yiri

Waxa uu sheegay in Tababarkan uu xigi doono mid kale oo lagu qaban doono magaalada Boosaaso todobaadka soo aadan,kaasoo ay ka qeybqaadanayaan Bari,Sanaag,Haylaan iyo Gardafuu shaqaalahooda Cashuuraha Berriga.

“ Tababarkan waxaa ku xigi doona mid lamid ah oo lagu qabanayo magaalada Boosaaso asbuuca soo aadan,waxaana ku kulmi doona afarta gobol ee kala ah Boosaaso,Sanaad,Haylaan,Gardafuu shaqaalahooda cashuuraha Berriga”ayuu yiri

Mudane Cali Farxaan ayaa sheegay in tababarkan uu wax badan kusoo kordhin doono aqoonta shaqaalaha ,wuxuuna xusay in uu rajaynayo shaqaalaha halkan yimaada aqoonta ay dhexlaan iney noqoto mid waxtar u noqota.

“ Tababaradan waxay wax badan kusoo kordhin doonaan aqoonta shaqaalaha,waxaana rajaynaynaa shaqaalaha halkan yimaada aqoonta ay ka dhexlaan iney noqoto mid waxtar u noqota.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sheegay iney farxad u tahay ka qeybgalka tababarkan.

“ Farxad bey I tahay inaan maanta kasoo qeybgalo Barnaamijkan lagaga hadlayo horumarinta siyaasadda cashuuraha,aad baana ugu mahadcelinayaa hay’adda UNICOM oo hadda muddo nala shaqeynaysay”ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Carshe

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa kula dardaarmay shaqaalaha ka qeybqaadanaya tababarkan iney sida ugu wanaagsan uga faa’ideystaan casharada taasoo waxtar u leh.

Waaxda Warbaahinta Iyo Wacyigelinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland