Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u furtay Xisaabiyayaasha gobolada(Sawirro)

QARDHO – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa magaalada Qardho tababar uga furtay Xisaabiyayaasha gobolada iyo qaar kamid ah shaqaalaha gobolada ee Wasaaradda.

Tababarkaan oo ku saabsanaa Kor u qaadista xirfada saadaalinta dakhli iyo kharash iyo sidoo kale waxa lagu baranaya maraynta lacagta cad(Cash Management) ayaa mudada uu socdo waxaa xisaabiyayaasha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Puntland iyo qaar kamid ah shaqaalaha ka hawl-galla xafiisyadda xisaabiyayaasha la bari-doonaa Sadaalinta Dakhligga la filan karo in uu soo gallo iyo bixinta kharashaadka, taas oo Wasaarada iyo guud ahaan dawladda ka saacidaysa in ay oggaatoo wax-saxda ah ee usoo xaroon doona iyo bixinta kharashaadka.

Shaqaalaha iyo Madaxda ayaa inta uu socdo tababarkaan kala faa’idaysan doona waaya-aragnimadooda, waxayna isla-lafa gurayaan Caqabadaha Jira iyo sidda loo xalin-karo, iyo talooyin guud oo la xiriira sidda ugu sahlan ee loo gudan karo waajibaadka shaqo.

Maxamuud Shire Cismaan, Madaxa treasury section xafiiska xisaabaadka guud ee Wasaaradda Maaliyada oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadda ugu wayn ay tahay in la barto habka loo qiyaaso dakhligga soo xaroonaya si ay wax badan u fududeyso. Waxa uu tilmaamey in tababarkaan ay iska kaashanayaan Wasaaradda iyo Bangigga Aduunka.

Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee dhanka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda Keenadiid Cali Jaamac ayaa dhankiisa ka qaybgalayaasha kula dardaarmay in laga faa’idaysto tababarkaan, sidoo kalena koox kasta ay kula noqoto xarumohooda shaqo si ay shaqaalaha kale ugu faa’ideeyaan.

Xafiiska wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland