Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u qabatay Cashuur bixiyayaasha Qardho(Sawirro)

QARDHO – Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Puntland ayaa magaaladda Qardho ka daahfurtay Barnaamijka Waxbarashada cashuur bixiyayaasha.

Tababarkaan oo ay ka faa’daysanayaan cashuurbixiyayaal badan oo kamid ah cashuur bixiyayaasha degmada Qardho ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo bari lahaa waxyaabaha la xiriira xaquuqda muwaadinka cashuur bixiyaha uu dawladu ku leeyahay noocyada cashuuraha ,waxyaabaha isagga lagu leeyahay cashuurbixiyayaasha,ahmiyadda ay dawladnimada u leedahay bixinta cashuurtu,waxyaabaha horumarinta leh ee dawladu ay ku daboosho cashuurta laga qaado muwaadiniinta kuwaas oo la xiriirka bixinta adeegyadda bulshada, sida amnigga, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo ku bixinta mushaharaadka shaqaalaha Dawlada iyo ciidanka.

Agaasime Guud kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda Puntlanf keenadiid Cali Jaamac, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Boos,Maamulaha Cashuuraha Berigga gobolka Karkaar, Madax ka tirsan Wasaaradda ayaa furitaanka tababarkaan ka qaybgallay.

Tababarkaan ayaa qayb ka ah mashruuca kobcinta iyo abaabulka dakhligga Maareynta Dawladda iyo xoojinta awoodda dhaqaale ugu horayna waxaa madasha ka hadlay Maxamed Maxamuud Ilkacase oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda waxa uuna sheegay in waxbarashada cashuur bixiyeyaasha loogu gol-leeyahay in dawlada iyo cashuur bixyayaashu isu-soo dhawaadaan.

Agaasime Guud kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland keenadiid Cali Jaamac, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Boos ayaa dhankooda ka qaybgalayaasha kula dardaarmay in ay ka faa’idaystaan tababarkaan, waxayna xuseen in dawladu ay dadaal ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka shacabka iyo isku-xirka dawlada iyo shacabka.

Qaar kamid ah ganacstada canshuur bixiyayaasha ah ee degmada Qardho ayaa soo dhaweeyay tababarkaan, waxayna tilmaameen in ay ka faa’iadysan doonaan, wixii ay qabaana ay dawladda la wadaagi-doonaan.

Xafiiska wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland