2833516A-9F97-4DAE-8E9B-BA478BA4CE17.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u qabatay Ganacsatada gobolka Mudug[Sawirro]

GAALKACYO – Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa maanta tababar ku aadan barashada cashuur bixiyaha u qabatay ganacsato ka socday shirkadaha ganacsi ee gobolka Mudug , kuwaas oo gaarayay konton ganacsade.

Tababarkan waxaa daahfuray Xisaabiyaha gobolka Mudug Cabdinuur Geesay iyo Maamulaha Cashuuraha Berriga Xasan Cali Mire ,waxana sidoo kale ka soo qaybgalay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Tababarkan waxaa bixinaayay Macalimiin aqoon durugsan u leh casharada kala duwan ee ku aadan Cashuuraha iyo fahamkooda.

Tababarkan waa mid faa’ido u leh ganacsatada ayna ku baran doonaan Cashuur bixiyaha xaqa lagu leeyahay iyo xuuqada uu Dawladda ku leeyahay.

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa horay tababaro noocan ah ka fulisay gobolqda Barri, Nugaal iyo gobolka Mudug oo dhowaan loo qabtay.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland