9625959F-4DAE-42FA-938D-59D8FCF41B53.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u qabatay ganacsatada ka howlgasha gobolka Nugaal[Sawirro]

Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magalaada Garoowe ayaa lagu qabtay tababar socon doona labo cisho loona qabtay Ganacsatada ka howlgasha Gobolka Nugaal gaar ahaan Caasimadda ee Garoowe.

Tababarkan ayaa la xiriira casharo la barayo Ganacsatada Cashuur bixiyaasha si ay faham dheeraad ah uga helaan habka bixinta Cashuuraha.

Tababarkan waxaa daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdirisaaq Xasan Maxamed waxana ka soo qaybgalay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar iyo Gudoomiyaha ganacsatada Gobolka Nugaal.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdirisaaq Xasan Maxamed oo daahfuray tababarkan ayaa sheegay in uu muhiim u yahay ganacsatada isla markaana wakhti badana siiyaan.

Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar ayaa xusay in tababaro noocan oo kale ah laga fulin doono Gobolada kale ee Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa ku hawlan soo xareynta dakhliga iyo habkii Ganacsatada loo faham-siin lahaa habka bixinta Cashuuraha.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland