IMG_2294

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u qabatay Shaqaalaha Wasaarada[Sawirro]

IMG_2294Wasaaradda maaliyadda Puntland-Soomaaliya ayaa tababar ugu qabatay hotel Gacayte ee magaalada Bosaso shaqaalaha ka howla gala wasaaradda ee ku kala sugan deegaanada Puntland.

Tababarkan ayaa waxaa kala qeybgalay shaqaalaha Wasiirka iyo kuxigeenkiisa,Agaasimayaasha,Xisaabiyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarka ayaa socon doona hal maalin, waxana si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr. Cabdullaahi Sheekh Axmad.

Ujeedada Tababarka ayaa ahaa sidii ay usoo xareyn lahaayeen kharashaadka iyo dakhliga iyagoo Isticmaalaya habka maareynta Maaliyadda ee FMIS-ka,isagoo la jaanqaadaya miisaaniyada cusub.

Intii uu socday tababarka aya waxa lagu soo bandhigay qaabka ay wasaaraddu u shaqeyso, ,dhaqaalaha ay bixiso iyo sida ay ku baxaan.

Wasiirka maaliyadda Puntland Dr. Cabdullaahi Sheekh Axmad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay shaqaalaha wasaaradda, isla markaana loo baayan yahay in ay ka faa’ideystaan.

IMG_2269 IMG_2270 IMG_2277 IMG_2278 IMG_2280 IMG_2282 IMG_2285 IMG_2288 IMG_2289 IMG_2290 IMG_2291 IMG_2294 IMG_2295 IMG_2296 IMG_2306 IMG_2310 IMG_2318

Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com