96D9BEDA-6A14-4E85-98E9-96D1E62B2731.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u qabtay ganacsatada degmada Qardho[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta tababar u qabatay ganacsatada ku dhaqan degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Tababarkan ayaa ku saabsanaa faa’idada qaadashasa lambarka aqoonsigavCashuur bixiyaha iyo sida loo buuxiyo warqadihiisa.

Tababarayaal ka socoday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa casharada la xiriira faa’idada qaadashada lambarka Cashuur bixiyaha bixinayey kuwaas oo muddooyinkan ka waday Gobolada Puntland wacigelin iyo kulamo Ganacsatada lagu fahansiinayo buuxinta warqad.

Daahfurkii tababarkan waxaa kasoo qaybgalay Ku xigeenka Duqa Degmada, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Karkaar iyo mas’uuliyiin kale.

Qaadashada lambarka ayaa si gaar ah Ganacsatada uga caawin doona ogaanshaha wax yaabaha dowladda Xaqa ugu leedahay iyo wax yaabaha ay xaqa u leeyihiin sidoo kale waxaa Ganacsatada u fududaan doona inay sameyaan isla xisaabtan dhexmara iyaga iyo dowladda.

Ganacsadayaasha lambarka aqoonsiga canshuur bixiyaha qaata waxaa u sahlanaan doonta in ay xiriir wanaagsan la sameeyaan dowladda Puntland isla markaasina u tartami karaan Qandaraasyada.

Gabagabadii tababarkan kaddib mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada Xarunteeda Qardho ku wareejiyey agab loogu talagalay in lagu sameeyo lambarka aqoonsiga Canshuur bixiyaha.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Ku lxigeenka Duqa Degmada iyo Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Karkaar ay si wadajir ah ganacsatada ugu dhiiri galiyeen la shaqeynta Dawladda iyo qaadashada lambarka.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland