Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u qabtay Hanti-dhowrka gudaha(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta tababar u qabatay shaqaalaha Wasaaradda ee Waaxda Hanti-dhowrka Gudaha[Internal Audit].

Tababarka ayaa ku saabsanaa kor u qaadida xirfada Hanti-dhowrka gudaha [Internal audit] ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Furitaanka Tababarka waxaa ka qayb galay Ku-simaha Agaasimaha Guud Keynadiid Cali Jaamac,Madaxa Hanti-dhowrka Gudaha W/Maaliyadda Puntland Axmed Cabdi Maxamed, Agaasimaha Qorshaynta Maaliyadda Cabdulqaadir Cali Ismaaciil iyo Xiriiriyaha Barnaamijka PFM Cabdiqaadir Axmed Xaashi.

Xiriiriyaha Barnaamijka PFM Cabdiqaadir Axmed Xaashi oo la hadlay xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in tababarkan uu yahay mid kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha.

….” Tababarka Garoowe waxa ka faa’idaysan doona gobolada Nugaal iyo Sool,Karkaar iyo Mudug halka Boosaaso waxaan rajeynaynaa inay ka faa’idaysan doonaan gobolada Bari,Gardafuu iyo Haylaan…” ayuu yiri

Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa waxa sidoo kale qayb ka ah qaar kamid ah Wasaaradaha kale ee Puntland.

Gunaanadka tababarka ayaa laga doonayaa shaqaalaha iney xirfad u yeeshaan sidii ay u baari lahaayeen Kharashaadka iyo dakhliga.

Tababarkan oo noqonaya midkii ugu horeeyay ee loo qabtay Shaqaalaha Hanti-dhowrka gudaha ayaa ujeedkiisu yahay in la kor-dhiyo xirfada Hanti-dhowrayaasha gudaha ee W/Maaliyadda Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa tababarka oo kale ka qaban doonta gobolada kale ee Puntland si ay uga soo baxaan shaqaale wanaagsan oo shaqada si wanaagsan u qabta.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland