7E97F818-D804-41D2-8A10-7F89DAFF0D53.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u qabtaya ganacsatada gobolka Mudug[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa tababar u qabatay ganacsatada gobolka Mudug ,kaasoo ku saabsan qaadashasa lambarka Cashuur bixiya.

Qaadashada lambarka cashuur bixiyaha ayaa qeyb ka noqon doona hagaajinta Cashuuraha iyadoo lagu ogaanayo cashuur bixiyaha iyo kan aan bixin cashuurta.

Daahfurkii tababarkan loo qabtay ganacsatada gobolka Mudug ayaa waxaa kasoo qaybgalay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey iyo mas’uuliyiin kale.

Tababarkan casharada ku baxaya ayaa qayb weyn ka qaadan doona xiriirka wanaagsan ee wadashaqeynayd ee dhexmari doona gamacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

La-taliyaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Faarax Xasan Faarax oo ka hadlay daahfurka Tababarka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Puntland dadaal dheeri ah ku bixinayso hagaajinta Cashuuraha.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey ayaa ganacsatada uga mahadceliyay bixinta cashuuraha isla markaana tababarka ka faa’ideysan doonaan casharo faa’ido u leh.

Ugu dambeyn Madaxa IT-ga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Saalax Buraale ayaa Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey ku wareejiyay qalabka lagu shaqeyn doono ee qaadashada lambarka cashuur bixiyaha ee ganacsatada Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland