56D0DB8E-DD1B-46D2-8F00-1D46F6F794F7.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xirtay Ganacsatada ku dhaqan gobolka Nugaal[Sawirro]

Tababar muddo labo cisho ah u socday Xisaabiyaasha iyo qaybta Maamulka shirkadaha Ganacsi ee gobolka Nugaal ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Xisaabiyayaasha shirkadaha Ganacsi ayaa la baray casharo la xiriira Cashuuraha Berriga iyo fahamkooda,waxana soo diyaariyay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Soo afmeerida tababarkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirku xigeenka Dakhliga,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga iyo madaxa PFM ka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdirisaaq Xasan Maxamed ayaa mas’uuliyiinta loo soo xiray tababarkan hadal kooban u jeediyay.

“Waxaan rajeynayaa casharada aad qaadateen in ay qayb wayn ka qaadan doonaan bixinta Cashuuraha,waana muhiim wada shaqayn dhex marta ganacsatada iyo Wasaaradda Puntland”ayuu yiri

Xasan Cali Samatar Agaasimaha guud ku xigeenka Dakhliga ayaa sheegay in ay qaban doonaan kulamo dheeraad ah oo isfaham.

“Dhawaan waxaanu qaban doonaa kulamo Dood ah oo aanu idiinku soo bandhigi doono Cashuuraha laydin ka qaado iyo halka ay ku baxaan adinkuna waa in aad ku dadaashaan bixinta Cashuurta”ayuu yiri

Wasiir kuxigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ugu dambayn tababarkan soo xiray,wuxuuna hadalo dardaaran ah u jeediyay xubnaha tababarka loo qabtay.

” Aad baan ugu faraxsanahay tababarkan loo qabtay madaxda shirkadaha Ganacsi ee Gobolka Nugaal waxan rajaynayaa casharadii aad ku barateen in laydin ka arko oo aad bixisaan Cashuuraha si Dawladduna wax qabad u samayso”ayuu yiri

Si kastana dhawaan ayaa lafilayaa in tababaro noocan oo kale ah laga fulin doono Gobolada kale ee Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland