5I2A0437.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo u gudbisay Baarlamaanka Xisaab-xirkii sanadka 2016-ka[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa Baarlamaanka u gudbiyey xisaab-xirkii miisaaniyadda sanadkii 2016-ka.

Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo fadhiga Gollaha Baarlamaanka ka hor akhriyey khudbad uu ku faahfaahinayo dakhliga soo galay Xukuumadda bilihii Janaayo illaa December ee sanadkii 2016-ka iyo kharashka guud ee dowladda ka baxay.

Wuxuu sheegay in ku talagalka miisaaniyadu ay ahayd 70-milyan oo dollar,balse dakhliga dhabta ah ee uu u soo xarooday Wasaaraddu ahaa 60-milyan oo dollar,isagoo hadalkiisa ku daray in 9-milyan oo dollar oo is-dhin miisaaniyadeed ay jirto.

Isdhinka dakhli wuxuu ka kooban yahay labo qaybood oo kala ah lacagtii bangiga adduunka laga sugayay oo ahayd 12 milyan  dollar, waxaa laga helay oo kaliya lacag ka yar 4 milyan oo dollar. Waxaa kaloo isdhin dakhligii dowladda uga soo xaroon jiray  gudaha dalka” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi.

Is-dhinka dakhliga gudaha ee miisaaniyadu uu yimid lacago laga filaayey inay ka yimaadaan cashuuraha laga qaado shirkadaha Isgaarsiinta,Kalluumeysiga,dhoofinta xoolaha iyo cashuurta Iibka(Sales Tax).

Hoos ka akhriso khudbadda Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed

Ujeeddo: Soo Gudbin Xisaab-xirka Dowladda Puntland Sannadka 2016

Mudane Gudoomiye,Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa sharaf weyn noo ah in aan maanta halkaan idinku soo gudbino Xisaab-xirka 2016 ee Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurka Dawladdda Puntland iyo shuruucda kale ee xisaabaadka iyo Maaliyadda, kaas oo ka kooban:

  1. a) Faahfaahinta Dakhliga iyo Kharashka      
  2. b) Isbarbar dhiga Dakhliga iyo kharashka.

Waxaan, haddaba, halkan hoose ku muujinaynaa Dakhliga iyo Kharashka guud ee Dawladda Puntland ee bilaha January-December 2016,waxaan kale oo ku muujinayaynaa haraagii ka soo wareegay 2015 iyo haraaga soo baxay 2016.

  • Haraagii Dowladda Dhexe 31-da Dec 2015                $ 788,390.16
  • Haraagii World Bank-ga 31-da Dec 2015                    $ 516,881.98
  • Dakhliga January illaa December 2016                       $ 60,349,545.87
  • Kharashka January ilaa December 2016                     $ 60,030,103.78
  • Haraaga Soo baxay 31-da Dec 2016                      $ 1,699,991.05

Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Garoowe