10-1.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Waddo Laami ah ka hirgelisay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa waddo laami ah ka hirgelisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wadadan oo dhirirkeedu yahay 70-mitir,balaceeduna yahay 2-mitir ayaa isku xiri doonta Kastamka iyo Terminaalka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Mudane Cismaan Buux Cali

Agaasimaha Guud ee Waaxda Furdooyinka W/Maaliyadda Puntland Mudane Cismaan Buux Cali ayaa sheegay iney tahay guul la dhameystiro wadadan oo baahi weyn loo qabay.

..” Ilaahay baa mahad iska leh,inoo suurtageliyay Waddadan isku xiraysa Kastamka iyo Terminaalka Airporka ineynu furno,Wadadan baahi weyn ba loo qabay..,Waxaa nasiib wanaaga ah waxa weeye inaan ku guuleysanay inaan Wadadan dhameystirno…” ayuu yiri Mudane Cismaan Buux Cali

Bashiir Muuse Cabdiraxmaan

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso Bashiir Muuse Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyey wadadan,wuxuuna sheegay iney ku amaanayaan Wasaaradda Maaliyadda dhisamaha Wadadan.

…” Waxaan oran karaa isku tashigii Madaxweynuhu asteeyey bey kamid tahay,waa wax hay’ad iyo cid kale loo duraansan balse ay dhistay Wasaaradda Maaliyadda Puntland gaar ahaana qeybta Kastamka,waa waxqabad laga sugaayey dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda weyna qabteen wey ku mahadsan yihiin”ayuu yiri.

Hoos ka daawo Sawirrada

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

Cismaan A. Isse
Madaxa Website-ka
Waaxda Wacyigelinta Iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda PuntlandÂ