Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo xustay Maalinta Furdooyinka Adduunka(Sawirro)

BOOSAASO – Xaflad ay soo agaasintay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kaashanaysa Mashruuca CRATES ayaa lugu qabtay magaalada Boosaaso Bosaso.

Xafladan ayaa ujeedkeedu ahaa sidii loogu dabaal dagi lahaa Maalinta Furddooyinka Adduunka oo sanad kasta laga xuso caalamka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Gudoomiyaha degmada, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga, hawlwadeenadda Furddooyinka , Rugta Ganacsiga iyo ganacsatada qaybaheeda kala duwan.

Sanadkan ayaa loo asteeyay munaasabada in “Furddooyinku ay xoojiyaan soo kabashadda, cusboonaysiinta iyo adkaysiga isku xirnaanta badeecaddaha si loo joogteeyo dadaalada ka socda furdooyinka ”.

Maamualaha Furdadda Boosaaso Mudane Maxamed Yuusuf ayaa xusay in muhiimadda kulanka ay tahay sidii loo wada horumarin lahaa dakhliga Dowladda isla markaasna loogu adeegi lahaa ganacsatada hab wanaagsan oo la jaan qaadi kara adduunka.

Kuxigeenka Agaasimaha guud ee Dakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa xusay in sanadkii hore ay Furddooyinku soo wajaheen xaalado kala duwan oo u baahnaa iskaashi iyo wada shaqayn dhax marta ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadad si loo dardar galiyo isu socodka badeecadaha iyo kobcinta dakhliga Dowladda si adeegga dowladnimo hoos ugu dhicin, dowladuna u gudato waajibkeeda shaqo.

Taliyaha Guud ee Booliska Gen Cabdi Xasan ayaa madasha ka jeediyay hadallo dhiiri galin ah asagoo sheegay in ciidanka iyo Wasaaradda Maaliyadu ay leeyihiin wada shaqayn xoog leh, hadafkuna yahay in la helo dakhli ku filan Dawladnimada Puntland, si amaanka iyo nabad galyada loo xoojiyo.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Mudane Maxamed Cismaan Majiino ayaa sheegay in markii ugu horeesay ay noqotay in la xuso maalinta Furddooyinka adduunka , tanna ay tahay horumar u baahan in la boggaadiyo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa xafladda soo xiray asagoo gudoonsiiyay shahaado sharaf dhammaan shaqaalaha, ciidanka iyo ganacsatada asagoo sheegay in Dowladdu ay diyaar u tahay horumarinta casriyaynta adeegga Furddooyinka Puntland.

Sidoo wuxuu sheegay Wasiirku in sanadka 2021-ka la dardar gelin doono shaqooyinka Furddooyinka ayadoo laga baran karo sanadkii hore adkaysi iyo wada shaqayn xoog leh oo dhaxmarta hay’adaha Dowladda iyo ganacsatada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ugu dambeyn u mahad celiyay ganacsatada sida wanaagsan u bixiyaha cashuurta kala duwan, wuxuu ku amaanay in ay sii horumariyaan bixinta cashuurta lana xisaab tamaan Dowladda si loo adkeeyo isla xisaabtanka iyo dawladnima

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland