IMG_1919

Wasaaradda Maaliyadda Wafdi ay Hoggaamineyso oo Anisixinta JPLG ugu Ambabaxay Kenya

IMG_1919Maanta oo ay tahay taariikhdu 09/04/2016 ayaa waxaa ka ambabaxay magaalo Madaxda Garowe wafti balaaran oo ka socda dawlada Puntland oo ay hogaaminayso Wasaarada Maaliyada madaxdeeda qayb ka mid ah sida Wasir kuxigeenka wasarada Maaliyada Axmed Yaasiin Saalax iyo Xoghaya guud ee wasaarada Maaliyada Mudane Axmed Jamaac Jawle,madaxda wasaarada waxaa ku weheliyey safarkaan madax kale oo ay ka midyihiin wasaarka wasaarada Arimaha gudaha, Wasiirka wasaarada hawlaha Guud, saraakiil ka socda xafiiska Madaxwayne kuxigeeenka iyo todobada degmo ee uu mashrucu ka hirgalo.

Waxayna dhammaantood safar shaqo ugu baxeen wadanka Kenya si ay u soo ansixiyaan mashaariicada JPLG sanadka 2016 ka kuwaas oo laga hirgelinayo degmooyinka puntland.

IMG_1955Wasaaradda Maaliyada dawlada Puntland waxa ay ku leedahay kaalin balaaran fulinta mashaariicda iyada oo bixisa 10% guud ahaan mashaariicda laga hirgalinaayo dalka.

Sanadkii la soo dhaafay wasaarada Maaliyadu waxa ay hirgalisay 1% guud ahaan dalkhliga dalka si loo meel mariyo loona dardargaliyo mashaariicda laga herigalinaayo degmooyinka 7da ah.

Waftigu waxa uu ku maqnaan mudo 10 cisho dalka Kenya si ay u soo dhameeyaaan una soo ansixiyaan mashaariicdaas dalka muhiimka u ah.
Maxamuud Cabdisalaan Xasan
Madaxa Warfaafinta Wasaaradda
Maaliyadda ee gobolka Nugaal