image_3

Wasaaradda oo Tallooyin ku Biirisay Shirkii Wadatashiga Maaliyadda dalka[Sawirro]

image_3MUQDISHO – Magaaladda Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey shirkii wadatashiga dhaqaalaha dalka kaasoo ay Isugu yimaadeen Dawladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Shirkan oo socday muddo saddex cisho ah ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban sagaal qodob oo wax ku ool ah kuna aadan dhinaca maamulka maaliyadda dalka.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa ka hadlay waxa ay uga dhigan tahay Puntland ka qeybgalka shirka iyo doorka ay ka qaadatay shirka wadatashiga.

IMG-20151103-WA0035Waxa uu sheegay in marar badan dhici jirtay inaan la iska xilsaari jirin deeqaha maaliyadeed ee lagu helo magaca Soomaaliyeed ineysan saami-wanaagsan ka heli jirin balse hadda la isla afgartay in si siman loo qeybsado.

Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in shirka wadatashiga ku biiriyeen khibrada ay Puntland u leedahay qaabeynta iyo maamulka maaliyadda ee cashuur qaadista taasoo wax badan ka faa’ideysteen xubnihii shirka maadaama muddo dhowr iyo toban sano ah jirtay Puntland.

image_8Dhanke Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa booqday Dekeda weyn ee Muqdisho iyo Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ,isagoona warbixino ka dhageystay mas’uuliyiinta shaqada joogtay.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa kulan la qaatay Raiisalwasaaraha Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ,waxayna isla qireen in la fuliyo qodobada laga saaray shirkii wadatashiga.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu ammaanay intii uu shirka wadatashiga dhaqaalaha maaliyeed ee dalku socday sidii ay isugu xil-qaantay qaabeynta iyo kobcinta dhaqaale ee maamulka dalka.

image image_1 image_4 image_5 image_6 image_7 image_9 image_10 image_11 image_12 image_13 IMG-20151103-WA0035 IMG-20151103-WA0037

Waaxda Warbaahinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com