C6A20FAA-1CDD-4D75-8430-8D3D9FF686A2.jpg

Wasiir Dowlaha Maaliyadda Puntland oo daahfuray Shirka Sanadlaha ee Qoondeynta Miisaaniyadda iyo Qorshayaasha Mashruuca RCRF[Sawirro]

GAROOWE – Wasiiru-Dawlaha Maaliyada Dawladda Puntland ayaa daahfuray Shirka sanadlaha ee Qoondeynta Miisaaniyada iyo Qorshaha mashruuca RCRF oo uu maalgeliyo Bankiga Aduunka.

Shirka oo Socon doona mudo 3-maalmood ah waxaa ka soo qaybgalay Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah sida Puntland, Jubbaland, Galmudug,Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed oo ay martigelisay  Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Wana markii ugu horeysay shir noocaan oo kale in lugu qabto Somaaliya gudaheeda.

Wasiiru Dawladaha Maaliyadda ee DPL Maxamed C/qaadir Cusmaan oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in shirkan oo dib loogu eegayo mashruca (RCRF) uu muhiim u yahay hanaanka deyn cafinta Soomaliya iyo horumarinta geedi socdka hanaanka dibu saxida maaliyada.

Sidoo kale Furitaanka Shirka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday Dawladaha taageera hanaanka Maamul Maaliyadeed ee Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Puntland Yaasiin Cabdi Ciise iyo Agaasimaha Guud, Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland iyo xubno sare oo ka socday Bangiga Aduunka.

Mashruucan oo ah mid hore aad looga faa’ideystay dhanka Mushahar bixinta, Qarash bixinta iyo dib u habeynta  Maaliyadda, wuxuu socon doona muddo 3 maalmood ah oo ka bilaabay 01/October/2019 waxaa looga hadli doona sidii lagu dardargelin lahaa mashruucan, iyadoo maamul waliba soo jeedin doono wixii u qabsoomay, waxa u qorhseysan sanadka 2020.

Xafiiska Warfafinta & Wacyigelinta 

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland