96565E96-D32D-4857-B85F-50E33469E0A3.jpg

Wasiir dowlaha Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug(Sawirro)

Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Puntland Maxamed C/qaadir oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug madax Wasaaradda ee gobolka.

Kulanka,waxaa kasoo qaybgalay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee G/Mudug Ismaacil C/Nuur Geesey,shaqaalaha iyo saraakiisha ciidanka ilaalinta Cashuuraha gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda
ayaa Wasiirku ka dhageystay Hab-sami usocodka shaqada W/Maaliyadda ee gobolka Mudug iyo sidii sare loogu qaadi lahaa dakhliga ka soo xarooda cashuuraha.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaqaalaha u sheegay inay sii laba jibaarraan shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalkooda,waxaana uu ku adkeeyay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Maaliyadda kordhinta dakhliga iyo ilaalinta masuuliyada shaqada.

Wasiiru dawlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir ayaa ku boogaadiyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur iyo shaqaalaha kaleba dadaalka ay ugu jiraan sare u qaadida dakhliga dowladda ee Gobolka Mudug tan iyo intii uu qabtay mas’uuliyadda Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiiru dowlaha W/Maaliyadda Maxamed C/qaadir ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Dadka ay cashuurahu ku waahibeen inay iska bixiyaan Cashuurta dowladda ee ku waajibtay.

Xaafiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland