Wasiir Dowlaha Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagey Xafiisyadda Wasaaradda ee gobolka Nugaal(Sawirro)

GAROOWE – Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa maanta kormeeray xafiisyada Wasaaradda Maaliyada ee gobalka Nugaal.

Wasiirka ayaa halkaas kulan kula qaatay Xisaabiyaha gobalka Nugaal, maamulaha kastamka iyo saraakiisha kale ee gobalka.

Sidoo kale Xisaabiyaha gobalka Nugaal Mudane Mukhtaar Cabdi Faarax ayaa sheegay in wasaaradu horumar ka samaysay dakhli uruurinta gobalka iyo guud ahaan shaqooyinka kale ee ay gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale Maamulaha Kastamka gobolka Nugaal Abshir Saciid Barre ayaa isuguna tilmaamay in mar walba ku hawlan yihiin sii xoojinta ilaha dakhliga ee gobolka.

Ugu dambayntii Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Puntland ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ee gobalka Nugaal inay sii xoojiyaan shaqooyinka ay gacanta ku hayaan, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in la adkeeyo la dagaalanka kotorobaanka iyo dadka cashuuraha la dhuunta.


Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland