09397D35-22BA-45A5-9C5A-C2516320BD4A.jpg

Wasiir Dowlaha W/Maaliyadda Puntland oo Garoowe kusoo dhaweeyay Wasiir Beyle[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta soo gaaray caasimada Puntland ee Garoowe.

Waftigan waxaa kusoo dhaweeyay Garoowe Wasiir dowlaha Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo mas’uuliyiin kale.

Waftigan ayaa socdaalkoodu uu qeyb ka yahay shir maalmihii lasoo dhaafay ka socday Garoowe loogana hadlayay Hannaanka Maaliyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle ayaa la filayaa in maalmaha soo socda in uu ka qeybgalo shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka.

Shirkan waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare, madaxda Maaliyadda Dawladda Federaalla iyo madaxda Maaliyadda Dawladdaha xubnaha ka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan looga hadlaayay hannaanka Maaliyadda dalka waxaa marti galisay Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.