47D5CFDC-7B3A-4C43-AA6F-2B3B8FD1C850.jpg

Wasiir dowlaha W/Maaliyadda Puntland oo kormeer ku sameeyay goobaha dakhliga ee Garoowe(Sawirro)

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqadir Cismaan ayaa maanta kormeer ku sameeyey dhammaan goobaha Dakhliga ee magaaladda Garoowe.

Wasiir dowlaha W/Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa kormeerkiisa waxa ku weheliyay Xisaabiye kuxigeenka guud Cali Jaamaac Gaashaan(Cali Farxaan),Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga Mahdi Qambi,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Cabdisamad Cawad Cismaan.

Goobaha uu booqday Wasiir dowluhu ,waxaa kamid ahaa baraha kontoroolada ,xarunta Cashuuraha Berriga gobolka Nugaal,Xafiiska maamula deeqaha dibadda(EAFS),xarunta howlaha guud iyo gaadiidka iyo garoonka diyaaradaha Garoowe.

Ujeedada kormeerka ayaa ahayd sidii loo dardargelin lahaa Cashuuraja,korna loogu qaadi lahaa dakhliga,wuxuuna Wasiir dowluhu warbixino ka dhageystay madaxda iyo shaqaalaha xarumaha uu kormeerka ku tagay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqadir Cismaan ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha in la dardargeliyo cashuuraha sida Cashuuraja waddo marista maadaama lagu jiro saddex biloodkii labaad ee sanadka iyo dhammaan cashuuraha kale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa bishii lasoo dhaafay isku shaandheyn ku sameeyay shaqaalaha goobaha dakhliga ,madaxda garoonka diyaaradaha ayaa sheegay iney fuliyeen amarkii ahaa in la isku beddelo shaqaalaha dakhloga gaar ahaana kuwa garoonka ee Kastamada iyo Cashuuraha Berriga taasoo looga gol-lahaa hufnaan iyo isla xisaabtan iyo kor u qaadista dakhliga. Amarka Wasiirka ayaa u fuliay sidii uu u amray.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha iyo hiigsiga Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ah in ay kordhisp dakhloga boqolkiiba 10%.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Saxaafadda

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland