365599C7-C9B5-4827-A39E-FACA5677F711.jpg

Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Airporka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa kormeer shaqo ku tegay xarumaha Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Maareeyaha Garoonka Axmed Maxamuud Xaaji,ku xigeenkiisa Cabdixamiir Yuusuf, Taliyaha laanta socdaalka G/dhexe Cabdinuur Maxamed Jaansaar iyo Maamulaha kastamka Cashuuraha Garoonka C/salaan Maxamuud.

Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxda Garoonka , waxana ay usoo gudbiyeen tallooyin ku aadan shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Maxamed C/qaadir Cismaan Wasiiru-dawlaha Maaliyadda ayaa kulan gaar ah oo ku aadan hab usocodka shaqada la qaatay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawl gala Kastamka Garoonka Boosaaso.

Kormeerkan ayaa ahaa habka ay  shaqada u wadaan shaqaalihii halkaasi dhowaan u soo badaleen madaxda Wasaaraddu iyo kor uqaadida dakhliga.

Maamulaha kastamka Garoonka diyaaradaha ayaa Wasiirka la wadaagay heerka dakhliga iyo wax yaabaha xalka ubaahan in madaxdu wax ka qabato.

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa madaxda iyo shaqaalaha ku bogaadiyay shaqada ay hayaan kulana dardaarmay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah, waxana uu sheegay baahiyaha jira in wax laga qaban doono dhoowaan insha alaah.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda